U bood dhigaalka

Wereysi Gaar Ah Oo Ku Saabsan Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa Soomaaliya laga xusayaa maalinta macalinta, waxaa ay xaflado ka socdaan Xalane iyo meelo kale oo Muqdisho ah.

Hadaba, Goobjoog News ayaa arrinta macalinta kala hadashay Macalin Maxamed Calasow oo ka tirsan macalimiinta Mujamac Umul-Quraa.

Goobjoog News: Macalin manta 21ka November ah maxay kaaga dhigantahay?

Macalin Maxamed Calasow: Runtii waa maalin aad iyo aad u weyn oo dhammaan macalimiinta adduunka gaar ahaan macalimiinta Soomaaliyeed ay wada sugayaan, waa maalin aad u qiimo badan, waa maalin loo asteeyay in macalinka lagu xasuusto qadarinta iyo sharafta uu ku leeyahay bulshada dhexdeeda owgeed.

Macalinka waa ninka horseeda haday umadi horumar gaareyso horumarkaasi waxaa asaas u ah macalinka dhinac walba oo uu ka yimaado haddii umadda macalinka ka dhimato oo daryeelkiisa ka dhimato umaddaasi waay dib dhacday umad haddii larabo inay horumarto waa in macalinkeeda la qiimeeyaa oo la qadariyaa.

Goobjoog News: Ixtiraamka aad ka heshaan bulshada intee ayuu la egyahay?

Macalin Maxamed Calasow: Runtii macalinka aad iyo aad ayey bulshooyinka u qiimeeyaan,  waxyaabaha ugu qiimaha badan waxaa ka mida macalinka sidiisaba xoolo matabco waxaa uu tabcaa waa dad, dadku uu tacbo maanta marka aad muddo soo joogtid markaad muddo soo shaqeysid waxaad arkeysaa mee kastoo ka mida meelaha hay’adaha ah waxaad ugu tageysaa arday aad adigu soo saartay ama dhaqtaraa ugu tageysaa ama asigoo injineera ama asoo siyaasiya ayaad ugu tageysaa asigoo xaafiisyadii kala duwanaa ee dowladda kala hagayo ayaa ugu tageysaa oo laguu saro kacaayo oo aad laguu qiimeynaayo taasi ayaaba waxwalba ka weyn.

Waxaa taas la eg inta aad adduunka ku heshay in ka bandanna aakhiro ayaad ku helee, maxaa yeelay dad ayaad toosisay toosinta aad aradeyga toosisid oo arday fiican aad soo saartid oo tarabiyo iyo akhlaaq leh sida ay wasaaraddu leedahay waxaad dareemeysaa qadarinta iyo xushmada laguu hayo adoo jidka iska socda ayaa hadii laguu joojiyo ayaa lagu leeyahay macalin soo- raac.

Goobjoog News: Farqi ma u dhaxeeyaa xilligii dowladdii hore iyo xilliga maanta marka laga fiiriyo weyneynta macalinka?

Macalin Maxamed Calasow: Farqi aad iyo aad u weyn ayaa u dhaxeeya  markaan soo qaadano dowladdii dhexe oo dalka ka talineysay mudada dhowr iyo labaatanka sano ah macalinka waxaa uu lahaa qiimeyn aad iyo aad u weyn,  macalinka waxaa uu lahaa naadi macalimiinta ay leeyihiin, macalinka waxaa uu lahaa maktabad ay macalimiinta leeyihiin, macalinka waxaa uu lahaa marka laga soo tago mushaarkiisa waxaa uu lahaa habeen dhax haddii  gobol loo badalo waxaa uu lahaa ogaashaha gobolkaasi macalinka waxaa uu lahaa caafimaadkiisa ayaa la ogaa caruurtiisa ayaa la ogaa waxaa la ogaa waxbadan oo noloshiisa la xiriira.

Balse maanta macalinkii isaga ayaa wax walba isku ah awood dowladeed oo hadda macalinka daryeelkiisa u soo jeeda ma jirto macalinka xitaa waxaa jirtay shalay hadduu howlgab noqdo mushaarkiisa qeyb ka mida ayuu qaadanaayey,lkin maanta maalinta uu howlgab noqdo markaasi ayaa ugu dambeysa cid sheegta.

Goobjoog News : Manhajka waxbarashada maku jirtaa oo mala baraa ardeyda sharafka macalinka iyo qiimeyntiisa?

Macalin Maxamed Calasow: Taasi waa asaas in macalinka la sharfo,  qofka weyn la sharfo waxay ka mid tahay tarabiyada asaaska ah ee ardeyda la siiyo ardeyga haduusan sharfin macalinkiisa waalidkiisana masharfaayo taasina waxay ka muuqaneysaa ilmaha macalinkooda jidka uga horyimaado ama meel ay joogaan ugu yimaado way sare kacayaan way soo dhaweynayaan waa qadarinayaan arrintaasi waa arrin aad iyo aad u weyn manhajkana way ku jirtaa waa ka mid.

Ardeyda waxaan u sheegnaa inuu waalidka yahay barbaariyaha jirka macalinkana uu yahay barbaariyaha maskaxda labadoodana aysan kala maarmin taasna ayaa keeneysa xushmeynta ay macalinka u hayaan .

Goobjoog News : Ardeyda Soomaaliyeed maadaama la joogo maalinta macalinka maxay uga qeybqaadanayaan?

Macalin Maxamed Calasow: Waxaan ognahay maalinta macalimintaba In ardeyda iyo macalimintaba ay si weyn agtooda qadarin uga mudantahay iskuul walba oo ka jira dalka waxay sameynayaan maanta waxay qabanayaan xaflado aad u waaweyn oo macalinka qiimahiisa iyo qadarintiisa ay ku soo bandhigayaan qaarkood waxay diyaarinayaan waxyaabo ay macalimiinta siinayaan sida shahaado sharaf.

Goobjoog News