U bood dhigaalka

Askar Turki Ah Oo Lagu Dilay Weerar Ay Ku Soo Qaadeen Kurdiyiinta

Sheeko:Dalka

Weerar ka dhacay waqooyiga Suuriya, 7 ka tirsan ciidamada Turkiga ayaa lagu dilay kadib weerar ay ku qaadeen maleeshiyaadka Kurdiyiinta ah. Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in 5 ka mid ah ciidanka ay dhinteen kadib markii gaarigooda la weeraray.

Ra’isul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim oo ka hadlay dhacdadan, waxaa uu ku dhaartay in askarta loogu aari-doono, diyaaradaha dagaalka ee Turkiga waxaa ay duqeeyeen magaalada waqooyi bari dalkaasi ee Afrin.

Dalka Turkiga ayaa January 20-keedii sanadkan waxaa uu bilaabay howl-gal ka dhan ah Kurdiyiinta, Turkiga kooxda (People’s Protection Units) waxaa uu ugu yeeraa argigixiso iyo tahay laan ka mid ah ururka mamnuuca ah ee Kurdistan Workers’ Party (PKK).

Goobjoog News