U bood dhigaalka

Madaxweynaha South Africa Oo Cadaadis Xooggan La Kulmaya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha South Africa mudane Jacob Zuma ayaa la kulmaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya Xisbigiisa “African National Congress (ANC)”. Warbaahinta South Africa waxa ay werinaysaa in Guddiga Sare ee Xisbigu uu madaxweynaha u qabtay 48 saacadood si uu isku casilo.

Xubin sare oo ka tirsan Xisbiga ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegtay in Guddiga Sare ee Xisbigu ay go’aansadeen in Madaxweyne Zuma xilka laga qaado ka dib markii ay 13 saacadood arrintan lafagureen.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa beryahan danbe cadaadis badan la kulmayey ka dib markii lagu eedeeyey boqolaal kiis oo musuqmaasuq. Eedaynta ugu culus ee uu Madaxweynuhu wajahayo waa midda ku saabsan xiriirka ka dhexeeya isaga iyo qoyska asal ahaan Hindida ah ee loo yaqaanno “Qoyska Gupta”.

Qoyska Gupta waa qoys hodon ah oo sagaashanaadkii u soo guurey waddanka South Africa, halkaasna ka abuuray ganacsi ballaadhan oo dhinacyo badan. Qoyskani waxa uu ilaa iyo sannadkii 2003 xiriir fiican la lahaa Madaxweynaha South Africa, waxana lagu eedeeyaa inay saamayn xooggan ku leeyihiin go’aamada Madaxweynaha heer ay gaareen in ay keensadaan qayb kamid ah Golaha Wasiirrada si ay u ilaashadaan danahooda ganacsi ee dalkaas.

Madaxweyne Zuma marar badan oo hore ayaa uu ka badbaadey mooshinno lagu doonayey in xilka lagaga qaado. Wakhtigan se waxa uu u muuqdaa inaannu badbaadayn maaddaama oo ay saaxiibadiisii siyaasadeed ka tageen, guddoomiyaha cusub ee Xisbigiisuna, mudane Cyril Ramahosa, doonayo in uu ka takhaluso.

Cyril Ramahosa oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga ANC iyo weliba Madaxweyne Kuxigeenka South Africa, waxa uu sheegay inaannu doonayn bahdilaadda iyo sumcad-dilka Madaxweynaha. Xisbiguna waxa uu doonayaa in Madaxweynuhu iskii isku casilo si looga baaqsado is-jiidjiid iyo cod loo qaado.

Goobjoog News