U bood dhigaalka

Hiiraan: Dagaal Khasaare Geystay Oo Dhex-maray Xoogga Dalka Iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka, War

Taliyaha guutada 52-aad ee ciidamada xoogga qeybta gobolka Hiraan Gen. Axmed Maxamuud Tareedisho oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay guul ka gaareen dagaal ay Al-shabaab kula galeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gen. Axmed Maxamuud ayaa intaasi ku daray in dagaalka ka dhacay tuulada Bulacle ee hoos tagta magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ay ciidamada dowladda Soomaaliya ay kaga dhinteen 7 askar sidoo kale dhaawacana uu marayo 9 kale.

“Waxaa na soo gaaray Khsaare ahaan 7 ayaa naga dhimatay, halka ay naga dhaawacmeen 9 kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka”.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa dagaal waxaa uu ku dhexmaray tuulada Balacle ee gobolka Hiiraan, dagaalkaan oo ka bilowday markii ay isku dhaceen dad deegaanka ah iyo ciidamada Al-shabaab.

Goobjoog News