U bood dhigaalka

87 Qof Oo Dhimirka La’ Oo Ka Baxsaday Isbitaal Ku Yaallo Kenya

Sheeko:Dalka

Wararka  laga helaayo dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan 1n 87 qof oo bukaan ah kuwaas oo qabo cudurka dhimirka ay ka baxsadeen isbitaalka cudurada dhimirka ee ku yaallo dalka Kenya ka dib markii shaqaalihii ka shaqeynaayey dhanka caafimaadka ay siidaayeen dadkaasi.

Arrintaani ayaa waxaa loo sababeynayaa shaqo joojin ay sameeyeen dhammaan shaqaalaha caafimaadka oo ka shaqeeya isbitaalada ku yaallo dalkaasi ka dib markii ay dowladdu ay mushaar siin weysay.

Dr. Owdago oo ah kormeeraha dhanka caafimaadka isbitaalka lagu daweeyo dadka dhimirka ka xanuunsanaayo oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka baxsady ay ka boodeen derbiyada isbitaalka  aana laga raneynin meeshey qabteen .

Dr. Owdago oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay dadaal ka dib in gacanta lagu soo dhigay 17 ka mid ah dadkii ka baxsaday isbitaalka ayna hadda ku suganyihiin isbitaalka guud ee magaalda Nairobi.

Dhanka kale Mr. Olongo oo ah xoghaya guud ee midowga dhaqaatiirta dalka Kenya oo dhankiisa hadal kooban siiyey warbaahinta waxa uu tilmaamay in ku dhawaad 5000 kun oo dhaqtar oo ka shaqeeya isbitaalada dalkaasi ay shaqdii joojiyeen iyagoo ka cabanaayo dhaqaalo xumi Olongo ayaa intaas ku daray in dowladda ay balantii oga baxday dhaqaatiirta aysan qaadan wax mushaar ah ku dhawaad 3sano.

Ururka midowga kalkaaliyaasha ee asna ka howgala  isla dalka Kenya ayaa waxay sheegeen  in ururka uu dowladda uu la furi doono wada hadal ku aadan sidii ay u heli lahaayeen dadka ka shaqeeyo caafimaadka mushaaraadkooda iyagoo carab baabey in wasaaradda caafimadka Kenya ay malaayiin doolar ay ku bixiso laaluush iyo wax is daba marin ayna dalbanaayaan iney wasaaraddu ay wanaagiso dhaqaatiirta ka shaqeeya caafimaadka iyo arrimaha faydhowrka.

Goobjoog News.