U bood dhigaalka

9 Askari Oo Loo Xiray Dagaal Ka Dhacay Degmada Baladxaawo Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku guuleystay in lasoo xiro askar badan oo ka tirsan dowladda Federaalka kuwaasi oo la sheegay inay ka qeybgaleen dagaal beeleed ka dhacay degmadaasi.

Maxamed Weli oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan degmada Baladxaawo ayaa u sheegay Goobjoog News in dadaallo ay sameeyeen Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidanka lagu guuleystay in lasoo xiro 9 askari oo ka qeybgalay dagaallo ka dhacay degmadaasi.

Waxa uu sheegay Nabadoonkan in la’isku afgartay in askartan maxkamad lasoo taago askartaasi islamarkaana la waafajiyo waxa ay ka qabto shareecada Islaamka.

“Waxaan ku guuleysannay inaan gacanta ku dhigno askartii gacan ku dhiigleyaasha ahaa, waxaana isla garannay in la waafajiyo shareecada Islaamka, askartaan waxay ka qeybqateen shaqaaqo dhimasho sababtay oo ka dhacday degmadaasi, xaaladda degmada Baladxaawo waa mid deggan” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Weli.

Maalmo kahor waxaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ka dhacay dagaal beeleed la sheegay inay ka qeybqaateen askar ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana dagaalladaasi ku geeriyooday Labo qof, halka Labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoog News