U bood dhigaalka

9-Ka Cunto Ee Lagu Dheeraado

Sheeko:Caafimaadka

Ma ogtahay  habka cunto cunista  inuu saameeyo dhirirka qofka, sidoo kalena uu saameyn weyn ku leeyahay miisaanka qofka, hadaba waxaa  jirta  cuntooyin  haddii uu qofku cuno ka caawineyso inuu dheeraado waxaana kala yihiin cuntooyinkaas .

1. Basal baar : basashaan waxay qani ku tahay hormoonis badan  dhab ahaantii cunisteeda  oo la badsado waxay qofka ka caawineysaa inuu dheeraado  halka ay ka buuxaan macaadin faro badan oo jirka waxyaabo badan ku kordhinaayo iyo hormoono jirka ko rinaayo.

2. Ukunta: waxay hodan ku tahay buritiino badan waxay kaalin mugweyn leh ay ka ciyaartaa kordhinta dhirirka , waxaana waajib ah in caruurta lasiiyo maalin walba si ay u heelan jir caafimaad qabo iyo dhirir wax ku ool ah.

3. Qudaarta: infaro badan  oo ka mid ah qudaarta  sida cambaha  waxaa laga helaa fitamiin A badsashada qudaarta ama cunisteeda waxaa laga helaa inuu qofka dhirir uu ku darsamo gaar ahaan haloo gu dadaalo siinta qudaarta caruurta iyo da,yarta soo koreyso  sidoo kale cunista qudaarta waxay xooijisaa unugyada jirka iyo lafaha.

4. Miraha : cunista miraha  waa cunto ay ka buuxaan fatimiin faro badan  waxuuna faaido badan uleeyahy kordhinta  dhirirka  gaar ahaan miraha qamadiga ayaad u siifan cunistiisa.

5.Burcadka :burcadka waxuu hodan ku yahay  boritiinka D iyo kaalshiyom  sidaa darteed waa cunto aad muhiim u ah waxay ugol xaareysaa  inuu koro jirka inuuna qofka uu dheeraado.

6.Doorada :hilbaha doorada oo la cuno waxay il wanaagsan u leeyihiin borootiino faro badan kuwaas oo jirka ka caawinaayo  xoojinta coritaanka iyo dhirirka .

7. Kaarootada: karootada waxaa ka buuxa oo ay hodan ku tahay  Fitimiin A  waxayna  galangal ay ku leedahay howsha koritaanka jirka iyo dhirir kordhinta iyo araaga.

8. Caanaha;  caanaha waa isha kaliya ee kaalsiyoomka jirka  laga helo  kaalsiyoomkaas oo jirka ka caawinaayo inuu jirka oo awood yeesho sidoo kale waxay ka qeyb qaataan dhirirka jirka  halkoob oo caano ah oo subax walba aad cabto aalisey waxay jirka u kordhinayaan caafimaad.

9.Digirta : digirta waxay jirka ka caawisaa  oo ay xoojisaa koritaanka murqaha  iyo lafaha waxaan ka buuxa buritiino farobadn.

 

 W/Q: Jaamac Cali  Shidane ,Goobjoog News