U bood dhigaalka

9 Ka Mid Ah Ciidamada Booliska Tunisia Oo Lagu Dilay Weerar

Sheeko:Caalamka

Wakaaladda wararka ee Tunisia ayaa sheegtay in la dilay 9 ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka maanta oo Axad ah ka dib markii lagu qaaday weerar argigixiso oo ka dhacay galbeedka waddanka una dhow xaduudka ay Tunisia ay la wadaagto Aljeria.

Wakaaladda waxaa ay intaas ku dartay in koox argigixiso ah ay ciidamada weerareen,kuwaasi oo marayay wado isku xirta beerta Faa’ija iyo Soria.

Weerarkan ayaa ah kii ugu weynaa oo ka dhaca Tunisia ka dib weerarkii ka dhacay  xaduudka Tunisia iyo Libya bishii Maarso 2016-kii waxaana ku dhintay 12 ka mid ah ciidamada ammaanka iyo kuwa milatariga Tunisia.

Goobjoog News