U bood dhigaalka

9 Qodob Oo Horyaalla Shirka Madasha Hoggaanka Qaran Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shirka madasha hoggaanka qaran ayaa ka furmay caasimadda Muqdisho, hadaba Goobjoog News waxaa ay akhristayaasha u soo gudbineysaa qodobbada horyaalla madasha oo ay tahay in ay go’aan ka gaaraan, waa ilaa sagaal qodob kuwaas oo xallintooda muhiim u tahay  qabsoomidda doorashada 2016-ka.

Hadaba halkan ka akhriso qodobbadaas:

Qodobka 1aad: Miisaaniyadda Doorashada:

Arrinta miisaaniyadda doorashada2016-ka, waa qodobka 1aad ee madasha horyaalla, waxaa laga doonayaa madasha hoggaanka qaran  in ay go’aan ka gaaraan: Madaxyada lagu bixinayo lacagta doorashada, xisaabta lagu shubayo, waqtiga la helaayo lacagta iyo sida lacagta loo maamulayo…..dhammaan waa arrimmo shirkan madasha lagu xallin doono.

Qodobka 2aad: Madax-Dhaqameedka:

Oday Dhaqameedka: Madasha waxaa laga doonayaa in ay go’aan ka gaaraan arrimaha oday dhaqameedka gaar ahaan, odoyaasha 135ta ah ee dadka ay matalaan kala joogaan deegaanno kala duwan, haddii Oday dhaqameedka uu rabo in ergada dhammaan uu isaga kaliya soo xulo, xaq ma u leeyahay? Maxaa laga yeelayaa? Mise waxaa loo baahan yahay in uu u magacaabo wakiillo deegaannada ama gobollada aanu isaga joogin ee dadkiisa ay degaan, waa dhibaato ka jirta beelo badan oo gobollo kala duwan  deggan halka Ugaaskooda aanu rabin in uu meelahaas wakiil u magacaabo….madasha ayaa xal looga fadhiyaa?!

Madax-Dhaqameed aan ku jirin Liiska 135ta: Waxaa dhibaato badan ka jirtaa oo madasha laga sugayaa in ay go’aan ka gaaraan, Oday dhaqameed aan ku jirin liiska la yaqaano ee 135ta ah hadana heysta warqad ka socota madasha hogaanka qaran oo weliba doonaya in uu ergo soo xulo, arrintaas oo abuurtay kala shakis iyo isweydiin dadka doorashada ku shaqda leh dhexdooda…..Liiska saxda ah ee odoy dhaqameedka Soomaaliyeed ayaa laga sugayaa madasha in ay go’aan ka garaan isla markaana ay joojiyaan isbar-bar yaaca maalmihii dambe soo baxay.

Oday Dhaqameedka Diida In uu Tago Xarunta Doorashada: waxaa arrimaha horyaalla madasha hoggaanka qaran ka mid ah in ay dhici karto in Odoyaasha dhaqanka qaar diidaan tegidda goobaha doorashada, waxaa qorshaha ahaan la doonaa in beesha kursiga iska leh, guddiga doorashada iyo maamulka isku afgartaan ilaa 5 nabadoon oo midkood horjooge laga dhigo oo xulista guda gala, ee odaygaas aan shaqada loo baajin.

Beelo Kuraas leh oo aan oday dhaqameed laheyn iyo oday dhaqameed horay u soo xulay xildhibaanno oo mar kale doonaya in ay soo xulaan iyo arrimo kale ayaa horyaalla madasha hoggaanka qaran.

Qodobka 3aad: Dhismaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka:

Qodobkan waa mid muhiim ah, waayo guddigan weli lama dhisin, guddigan waxaa uu la mid yahay guddiyada doorashada heer federal ama heer dowlad goboleed, waxaa ay aheyd in mar hor la dhiso, ka hor diiwaangelinta, sidaa darteed dhismaha guddiga iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, waa qodob muhiim ah oo horyaalla madasha hoggaanka qaran.

Qodonka 4aad: Cabashada Somaliland:

Cabashada oday dhaqameedka Somaliland iyo in la tix-geliyo waa qodob muhiim ah oo horyaalla madasha hoggaanka qaran, waxaana la filayaa arrintaas xal laga gaaro sida midnimada iyo wadajirka loo ilaaliyo.

Qodobka 5aad: Beelaha Banaadir:

Waxaa madasha laga doonayaa in ay ka hadlaan guddiga doorasho ee beelaha Banaadir kuwaas oo la doonayey in mar hore la sammeeyo balse aan weli la dhisin.

Qodobka 6aad: Hiiraan/Shabeellaha Dhexe:

Caqabadda madasha hortaalla waxaa ka mid ah in ay go’aan ka gaaraan halka ay ka dhaceyso doorashada aqalka sare ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, kuwaas oo ilaa iyo hadda aanu maamulkooda dhisin, goormee la dhisayaa maamulkaas? Doorashada halkee ka dhaceysaa, Madasha ayaa jawaab laga sugayaa.

Qodobka 7aad: Qoondada Haweenka:

Waxaa dhibaato ka jirtaa xaqiijinta qoondada haweenka, waxaa jirta beelo aan rabin in ay haween matalaan sidaa darteed waxaa madasha laga sugayaa in ay soo saaraan go’aanno lagu xaqiijinayo qoondada haweenka ee 30% sida in ay beesha lagu qasbo in ay haween ku soo daraan ama kursigaas la laalo.

Qodobka 8aad: Amniga Doorashada:

Arrinta amniga waa qodob muhiim ah oo horyaalla shirka madashada hoggaanka qaran ee Muqdisho, waxaa ay su’aal weyn ka jirtaa ma ciidamada qalabka sida ee Soomaalida ayaa ku filan ammanka goobaha doorashada mise AMISOM ayaa la geyn doonaa, su’aashaas waxaa looga jawaabayaa shirka madasha ee Muqdisho ka socda.

Qodobka 9aad: Ku dhaqmidda Jadwalka:

Waxaaa ay dhibaato ka jirtaa in jadwalka doorashada lagu dhaqmo, shaqo badan oo ay aheyd in horay loo qabto ayaan la qaban, mana muuqato in shaqooyinka dhimman lagu qaban doono waqtigii loogu talagalay, madasha waxaa looga fadhiyaa in ay waqtiga iyo howsha is waafajiyaan.

Qoraalkan waa mid u gaar ah, Goobjoog News, Lama qaadan karo Xigasho la’aan

Goobjoog News