U bood dhigaalka

9 Ruux Oo Ku Geeriyootay Qarax Ka Dhacay Pakistan

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan waxaa ku dhimatay 9 qof, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale qarax ka dhacay waqooyi galbeed ee Pakistaan, qaraxaan mas’uuliyaddiisa wali cidna ma sheegan.

Saraakiisha dhanka amniga ayaa waxay shegeen in qaraxaan uu ahaa mid lagu aasay wadada geeskeeda taasi oo keentay inuu la kaco bas ay saarnaayeen dadkaan.

Dowladda Pakistaan ayaa aaminsan inay ka dambeeyaan qaraxaan kooxda Daalibaan oo ka dagaalanta waddankaasi, horay ayay waxay u sheegteen qaraxyo ka dhacay caasimaddda waddankaasi kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 24 qof.

Dowladda Pakistaan ayaa waxay taageero ka heshaa wadamada reer galbeedka waxayna dagaal kula jirataa muddo dhan kooxda Daalibaan .