U bood dhigaalka

90 Jir Radio Hargeysa Ka Bartay Tafsiirka Qur’aanka

Sheeko:Dalka

Barashada tafsiirka qur’aanka waa arrin muhiim u ah qof walba oo muslim ah, dadka oo dhan waa ku adag tahay gaar ahaan kuwa da’da ah.

Aw Maxamed Ibaahim waa 90 sano jir ku nool magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaliland, Idaacadda Radio Hargeysa ayuu ka bartaa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka, waxuu ka dhameeyay barashada Tafsiirka Qur’aanka Radio Hargeysa muddo dhan 10 jeer, waxa uuna ka baranayey Tafsiirka Idaacadda ku dhawaad 15 sano.

Maxamed waxa uu inta badan sitaa Raadiye uu ka dhageysto Tafsiirka Qur’aanka oo ay Idaacaddu baahiso, waxa uu ugu baaqay dhallinyarada iyo dadka kalaba in ay ku dadaalaan barashada Cilmiga diinta Islaamka.

Maxamed oo ah nin da’a ayaa Goobjoog News uga warbixiyey barashada Tafsiirka Qur’aanka Kariimka oo uu ka bartay Idaacadda,  waxa uuna yiri “Inta aad aduunyada joogtaan waxna barta, waxna umadda bara ayaan leeyahay, dadkana bara kutubta wixii xaaraan ah umadda haka harto”.

Sheikh Maxamed Dirir oo ah Sheikha Idaacadda ka aqriya Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ayaa sheeagay in Maxamed Ibraahim uu tusaale u yahay dhallin yarada da’yarta ah islamarkaasna aan laga caajisin barashada Cilmiga “Waa uu ku ammaananyahay Ow Maxamed Tusaalane waxa uu u yahay in ay ku daydaan odoyaasha iyo dhallinyarada “.

Maxamed Ibrahim,  kama dhageysto Idaacadda wararka iyo Barnaamijyada ee waxa uu  ka dhageystaa Tafsiirka Qur’aanka, maalin walba 2 jeer oo dhan illaa hal saac.

Goobjoog News