U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Sanad Kadib Waxbarasho Lacag La’aan Ugu Yaboohday Agoonta Qaraxii Soobbe

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxbarasho lacag la’aan ugu yaboohday caruurtii ku agoontinimowday qaraxii Soobbe, ballanqaad lagu tilmaamay inuu yahay mid aad uga dib dhacsan waqtigii ay ahayd in la sameeyo.

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayrre oo ka qaybgalay munaasabadda xuska qaraxii October 14, 2017 oo maanta ka dhacday isgoyska Soobbe, ayaa amar ku siiyay wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah la siiyo dhammaan caruurtii waalidiintood ay ku dhinteen qaraxii Soobbe.
“Waxaan ku amrayaa wasaaradda waxbarashada in caruurtaa la siiyo waxbarasho lacag laaan ah si ay u helaan fursadaha ay caruurta kale hesho. waxaan codsanayaa guddiyadii gurmadka inagala shaqeysay in caruurtii ay waalidiintood dhinteen magacyadooda (soo gudibyaan), si wasaaradda waxbarashadu ay uga caawiso iney helaan waxbarasho lacag la’aan ah.”, ayuu yiri; Ra’isul-wasaare Khayrre.

Dhanka kale, xildhibaan Cabdi Barre oo aan la xiriirnay ayaa si aad ah u dhaliilay ballanqaadka Khayrre oo uu ku tilmaamay mid xilligiisii ka dib dhacsan in halagaa sheego un loo yiri: “Sanad ka hor wixii la fulin waayay, maanta fulin maayaan, waa hadal ay dadka ku madadaalinayaan, daryeelkii ay agoonta siin waayeen sanad ka hor, xaaladoodana ay agaan waayeen, waxey maanta u sheegayaan waa halagaa sheego, waana hadal malaggii galay.”

Goobjoog News
Mawduucyada:Banaadir