U bood dhigaalka

Minnesota: Labo Hablood oo ku Geeriyooday Shil Gaari

Sheeko:Dalka

Gobolka ay Soomaalida degto ee Minnesota ayaa la sheegayaa in labo hablood oo Soomaali ah oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha meydkooda iyo baabuur ay wateen laga helay haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis.

Weriyaha CBS ee Minnesota ayaa sheegay in Bushra Cabdi iyo Zenyab Cabdalla oo min 19 jir ay shaqada ka baxeen habeenkii jimcaha kadibna ay waceen 911 iyaga oo codsaday caawinaad.

Qoyska labad gabdhood ayaa sheegay inay gabdhaha ku qornaayeen shaqo habeen, mid ayaa ka shaqeyn jirtay Shakopee halka midda kale ay shaqadeeda aheyd Chaska waa meel ka baxsan Minneapolis.

Gabdhaha ayaa laga dhex helay biyo haro ah, waxaana goobta isugu soo baxay dad badan oo Soomaali ah oo aad u careysan.

Goobjoog News