U bood dhigaalka

Associated Press: Ku-xigeenkii ISIS Ee Soomaaliya Oo La Dilay

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin u hadlay sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho lagu dilay ku-xigeenka ISIS Ee Waqooyiga Soomaaliya.

Mas’uuliyiintan oo magacooda qariyey ayaa u sheegay wakaaladda Associated Press in meydka Mahad Macalim laga helay xeebta todobaadkii hore kadib waxyar markii la afduubey isaga oo booqasho ku yimid caasimadda.

“Hoggaamiyaha kooxda ayaa jirran, ku-xigeennadiisa ayaa isku heysta ninkii badali lahaa, ninkan qaraabadiisa waxaa ay eedeynayaan ku-xigeennada” ayey intaas ku dareen mas’uuliyiinta.

February, Mareykanka ayaa cunaqabateeyey Macalim, iyaga oo sheegay inuu yahay argigixiso caalami ah, waxaa kale oo ay sheegeen inuu fududeyn jiray hub kooxda ugu yimaada dhanka Yemen.

Warar kale ayaa sheegaya in Macalim uu ahaa ninka qaabilsan howlgallada, iyada oo la tuhmayo inay dileen Al-shabaab.

Cabdiqaadir Muumin, oo ah nin da’a ah oo heysta dhalasha Ingiriiska ayaa aasaasay kooxda, waxaana tiro ahaan lagu sheegaa toboneeyo.

Goobjoog News