U bood dhigaalka

Ma Jirto Sabab Aan Ugu Ciyaarno Dalalka Aan Dariska Nahay”Yuusuf Yuusuf

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa qorsheenaya tartamadii ay xulkeena ku dheeli jireyn dalalka aan dariska nahay in ay usoo wareejiyaan magaalada Muqdisho si xidigaha xulka ay u helaan dhiiri gelin wanaagsan.

Waxa ay aheyd in marka hore ay qaranka Jabuuti imaadaan caasimada Muqdisho ayna kula ciyaaraan walaalahooda,balse hadii Eritrea ay garteyn shacabka aad ayuu soo dhawaynayaa”waxaa sidaas Goobjoog Sport ugu waramay Yuusuf Yuusuf.

 29-July 2018-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka Eritrea wuxuuna socdaalkiisa ku qotomay dib usoo nooleynta xiriirka labada dal, xasilloonida gobolka iyo xoojinta iskaashiga.

 “Soomaaliya iyo Eritrea waxaa ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer waxaan aqaan u lee yahay dad badan oo dagnaa degmooyinka Cabdi Casiis iyo Shingaani arinta waxa ay ku timid ka dib markii 29-July 2018 uu dib u furmay xiriirka labada dal waana ku faraxsanahay booqashooda”waxaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Yuusuf Yuusuf oo ah qurbajooga dalka kusoo laabtay ahna qoraa isboorti.

13-December 2018-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa isna booqasho ku yimid magaalada Muqdisho waxaana socdaalkiisa lagu sheegay abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Eretria.

“Wasaarada ciyaaraha Dowladda waa in ay xiriirka kubbadda cagta ku qabsataa in xulka qarankeena ay ku ciyaaraan dalkooda iminka Muqdisho waa nabada ma jirto sababo aan ugu ciyaarno wadamada aan dariska nahay”waxaa sidaas barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV u sheegay Yuusuf Yuusuf oo ah qurbjoog iyo qoraa xaga ciyaaraha.

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Imaatinka Xulka Eretria

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/374612036701953/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle