U bood dhigaalka

 Xasan Wiish Oo Loo Magacaabay Guddomiyaha Guddiga Garsoorayaasha Soomaaliya

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha u magacaabay garsooraha heerka caalami ee Sooomaliya ahna guddomiyaha isboortiga gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

17-August 2017:-Kooxo hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dilay guddoomiyihii hore gudiga garsoorayaasha kubbada cagta marxuun Cusmaan Jaamac Diraac.,dilka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo ku hubeysanaa bastoolado waxaana la diley marxuumka isagoo ka soo laabtay masaajid ku yaal xaafada Xamar Bile ee degmada Warta Nabadda.

Marxuum Diraac ayaa shaqadda garsoorka dalka waxa uu ku soo biiray sannadkii 1986-kii, isagoo soo dhex dhexaadiyay ciyaaraha Kubbadda Cagta,Laliska iyo kubbadda cagta Gacanta.

 “Waxaa uu ku dadaalayay hormarinta Kubbadda Cagta Soomaaliya iyo Africa, waxaa uu ka mid ahaa xubnaha kubbadda Cagta adduunka, qoyskiisa iyo dadka isaga jeclaa waa uga tacsiyeeyneynaa, waa arrin murugo leh dhacdadaasi’’waxaa sidaas sanadii 2017 sheegay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta caalamka  Gianni Infatntino.Garsoore Xassan Wiish ayaa ka hor inta aan loo magacaabin xilkan waxa uu Goobjoog u sheegay in Soomaaliya ay rajo ka qabto isticmaalka adeega muuqaal caawiyaha garsoorayaasha ee loo yaqaan VAR.

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2103116436440752/

“Dalkeena markii loo eego horomarka iyo fahanka bulshada ee xaga ciyaaraha waxa uu ka horomar sanyahay wadamo badan oo bariga iyo bartamaha Afrika hadii ay arinta lagu dhaqaaqana waa talaabo ku tusinaysa isku tashiga bahada ciyaaraha Soomaaliya”waxaa sidaas qaba Goobjoog Sport u sheegay Xasan Yabarow Wiish.

Si kastaba bahda ciyaaraha ayaa guul iyo horomar u rajeeyay guddomiye Xasan Wiish iyagoo sheegay in ay ka sugayaan in wax badan ku soo kordhiyo xafiiska loo magacaabay.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle