U bood dhigaalka

Waalidkii Dhalay Marxuum Caasho oo Ka Hadlay Dilka Kuwii Kufsaday

Sheeko:Amniga

Qoyska marxuumad Caisho Ilyaas Aadan ayaa maanta ka war bixiyey qisaasta lagu fuliyey qaar ka mid ah raggii dhibaatada u geystay marxuumadda oo sanadkii hore lagu dhibaateeyey magaalada Gaalkacyo.

Aabe Ilyaas Aadan oo ah Aabaha dhalay marxuumad Caisho, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yihiin in maanta la fuliyo qisaastii gabadhiisa ee labo ka mid ah eedeysanayaashii, waxaana uu ka war bxiyey ujeedka 10 casho dib loogu dhigay eedeysanihii sedexaad.

“Ninkii sedexaad waxaa dib u dhigay, dambiile ayuu ahaa codsi ayaa jiray xaga dadka ah iyo annaga ah waana la hubinayaa 10-ka casho, codsiga waxaa wada dhiibay dad iyaga ka tirsan iyo annaga in la hubiyo ninkaas annaga xageena dambiile ayuu ka ahaa” ayuu yiri.

Sidoo kale Aabe Ilyaas oo hadalkiisa siiwato ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadal baaha bulshada la isla dhex qaaday oo ahaa in nimanka la toogtay aysan aheyn dadkii ku eedeysanaa kiiska Caisho waxaana uu yiri.

“Nimankii Caisho dilay daris ayaan aheyn waan wada aqaanay waan wada hadalnay waana iscafinay, cafis ayey iga dalbadeen iyaga oo tiirka gaariga saaran Aakhira warjiraa ayaan ku iri , Tiirka ayaa la geeyey waana la toogtay markii ay dhinteen aniga ayaa dul tagay oo Dhuunta iyo Gacanta ka taabtay”

Dhanka kale Aabaha dhalay marxuumad Caisho ayaa xusay in eedeysanaha sedexaad dib markale loo baari doon DNA-ga lana xaqiijinaayo inuu ku jiray dadka gabadhiisa dhibaateeyey la qisaasi doono .

“DNA-ga Hooyo iyo Aabe ayaa wada dhalay lakiin ninkaas falkii gadha ayaa ku jira, Dheecaankiisii ayaa ku jira, Shahwadiisii ayaa ku jirta iyo Dhiigiisii ayaa haddii uu la falgalay gabadaha waa la heli doonaa” ayuu yiri”

Ugu dambeyn Aabaha dhalay marxuumad Caisho  Ilyaas Aadan ayaa sheegay in loo ogolaaday in ayagu fushadaan qisaasta dilkii loo geystay marxuumad Caisho oo saakay lagu fuliyey labo ka mid ah raggii ku eedeysnaa dilkaasi.

“Qisaasta annaga ayaa fulinay dowladdu fushada ayey nagu tiri, shareecada waaye dareenkaygana aad ayuu u fiican yahay Soomaali weyna waan u mahad celinaayaa, dadkii dambigaas ka galay Caisho Ilyaas Aadan waa la toogtay labo nin midna waa uu dambeeyaa” Aabaha marxuumad Caisho Ilyaas Aadan.

Marxuumad Caisho Ilyaas Aadan ayaa 25-kii Febaraayo 2019-ka maalin ka hor la weysanaa waxaa meydkeeda laga helay xaafad ka mid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas jirkeeda ka muuqday jirdil ba’an oo loo geystay.

Goobjoog News