U bood dhigaalka

Aabe Mukhtaar “Askarigii Wiilkeyga Dhaawaca Halista u Geystay Shaqadiisa Ayuu Wataa” (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Aabe Soomaaliyeed ayaa DFS ka codsaday in cadaaladda la horkeeno askari dhaawac halis ah u geystay wiilkiisa.

Mukhtaar Ciid Miiney oo lasoo xiriiray Goobjoog, wuxuu sheegay in wiilkiisa oo wadey Mooto Bajaaj Lixdii bisha March lagu dhaawacay degmada Shibis, balse askarigii dhibka geystay laga sii daayey saldhiggii lagu hayey iyadoo aan cadaaladda la marin.

Wuxuu tilmaamay in sidoo kale, askarigaasi uu dhaawacay maalintaasi Labo qof kale, balse shaqsi uu sheegay in xil sare uu ka hayo Booliiska uu sii daayey askarigaas oo ku xirnaa saldhigga degmada Yaaqshiid, islamarkaana shaqadiisa uu hadda si caadi ah u wato.

Madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka iyo taliska Booliiska ayuu ka dalbaday in cadaalad uu helo wiilkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News