U bood dhigaalka

Aadan “Dowladdu Way Ku Mahadsantahay Soo Celinta Stadium Muqdisho,Balse Weli Waa Qabyo”

Sheeko:Cayaaraha

Aadan Maxamed Ibraahim oo ka mid ahaa ciyaartooydii hore Soomaaliya ayaa waraysi uu siiyay Goobjoog Sports ka hadlay qiimihii uu lahaa garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho iyo dib u soo celinta mudo dheer ka dib,isagoo guul u rajeeyay dhallinyarada soo koraysa ee bahda ciyaaraha Dalka.

“Stadium Muqdisho waa garoon caalami ah lamana mid ah garoomada ku yaala qaarada Africa waxaan ku faraxsanahay in dib loo soo celiyay” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay laacib Aadam Maxamed.

Waxa uu sheegay in Stadium Muqdisho uu ku dheelay,isagoo ka tirsanaa kooxdii Badda waqtigii barisamaadka wuxuuna intaa ku daray in xili qurux badan ayuu ku soo qaateen tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho.

“Waxaan ku dheelay ciyaaro badan oo xasuus ii leh,waxaana ka mid ahaa kulankii aan kula dheelnay stadium Muqdisho naadiga reer Uganad ee Kampala City Authority 1970,isagoo ku tilmaamay in ay ku soo qaateen waqtiyo wanaagsan oo kala duwan” ayuu hadalkiisa raaciyay laacib hore Aadam Maxamed.

Laacibkii hore Badda Adam Ibraahim ayaa Goobjoog u sheegay in iminka ay jirto garoomo la’aan,balse hadii la helo qeybaha uu ka kooban yahay Stadium Muqdisho laga bixidoono garoomi yarida ka jirta Muqdisho.

“Hadii si wanaagsan loo dhameystiro gegida Stadium Muqdisho waxaan helaynaa tiro badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo qeyb ka noqon kara horomarka iyo guulaha ciyaaraha Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raacyay xidihii hore naadiga Badda Aadan Maxamed Ibraahim.

Si kastaba ciyaaryahanadii hore Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay soo celinta garoonka Stadium Muqdisho,iyagoo u mahad celiyay cid walba oo ka kaalin ka qaadatay quruxda iminka ka muuqata

Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Laacib Aadam Siiyay Goobjoog,Isagoo Ka Hadlay Stadium Muqdisho

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/192682488802559/