Magaca: Aanadii Negeeye.
Qore: Ibrahin Yusuf Ahmed “Hawd”
Cadadka: 404 bog
Sheeko faneedyado magaca waa ka siman yihiin laakin nuxurka, luqadda, erayada, macnaha, qaab dhismeedka, tabinta iyo akhbaarta ay xabaarsan yihiin isku mid kama aha. Haday sheeko faneedyado darajo kala leedahay tani baarka sare bay ka joogta.
Waxaadan marna macaankeeda ka dhargayn tabinta is haysata ee sheekadu ku socoto iyo erayada qurxoon ee midwalba meesha ku haboon loo isticmaalay ama la dhigay.
Negeeye xili xun buu dhashay wakhti adagna waa la kowsaday si xun oo kharaar leh oo uusan filayna aduuynadda waa kaga tagay.
Waxa ku dhacay eeddeeda ma isagaa leh mise waa tuu ku dhashay ama bulshadu u taalay waa arin laga doodi karo.
Sheekadu waxay sawir buuxda ka bixin ficiladaada maanta inay dhamaadkagana odorosi karaan. Waxaa taas la mid ah oo buuggu si maldahan ama doqon magarataa kuugu daadihinayaa Soomaali xaalkeeda guud iyo sida wax dhaceen.
Shaqsiyaadka sheekadda daadihinaya sida Negeeye, Amran, Raage, Rooble, Leyla, Deeqa, Diiriye, Qarad, Rahmo-yaray,Dhabaray, xaaji habye, Goodir, ilma Goodir iyo haday kuwa kalaba ku jiraan mid walba nolol cajabteeda wadata buu ku noolyahay waxayna kala matalayaan Soomaalida qaybaheeda kala duwan.
Kharaar iyo macaan. Ilbaxnimo iyo danbayn, xalaal quute iyo xaaranyahan, xaq iyo boob ku noolaansho iyo intoo kale oo la mid ah.
Amran waxay aad ugu shaqaysataa fooxisanimo, gurigeediina waxay u badashay meel quruumaha kala duwan ay si joogta ah wada sheekaysi ugu yeeshaan kuna caaweeyaan marka ay doonaan.
Rooble iyo reerkiisa waa dad afgaaban aqoonta iyo akhriskana wakhti galiya waana taas mida ka soocday dariskooda yabaqa, banaan jooga iyo warinta wararka aadka ujecel waana isla sababta ay ugu bixiyeen gaal ismood. Rooble inkastoo aqoon yahan yahay hadana waa la jaanqaadi layahay xaalka wadanka.
Negeeye saaxiibkiis Diiriye oo ay tuulo ka wada yimaadeen nolol aad u kala duwan buu soo maray oo ay u horaysay darbi jiifino kuna dhamaatay iskuul sare inuu maamule ka noqdo halkaasna aradada ladan iyo kuwa aan waxba haysan ku boobo. Layaab kuma lahayn ee dalka baa markaas saas ahaa ama laga dhigay.
Raage waxaa adeer u ahaa Rooble waxuuna cagta saaray wadadii adeerkiis ee qadarinta akhriska iyo aqoonta laakin waxaa uu u qaadan layahay kuwii aan waxba baran sida Negeeye iyo Diiriye inay maanta ka nolol wanaagsan yihiin nolashaas oo ku dhisan kharibida waxkasta oo ay halayn karaan.
Aan markale milicsano Negeeye iyo nolashii uu soo maray waana shakhsiga kowaad ee daadihiyaha u ah sheekadda oo dhan.
Negeeye wuxuu dhashay xili oomosoore ah oo lagu tashaday in beri oo kale laguuro laakin dhalashadiisii baa keentay dood ah beri hala nagaado iyo may hala guuro taas oo sababtay Negeeye aabihiis habeenkaas uu dhashayba in meesha lagu dilo oo habaar qabe Goodir wax aan rag lagu dilin ku dilay.
Habeenkaas baa Negeeye nolol adage oo ka maran naxariis u bilaabatay ugu danbayna keentay tuulada Damalwayn oo ayeydiis oo duqa daganayd.
Qalafsanaan ay nolashu bartay iyo hoos u eegii bulshada reer Damalwayne waxay isla markiiba dhaxalsiisay in macalinkii quraanka ay isfahmi waayaan gacan qaad dabadeedna dugsi quraankii laga cayrsho.
Iskorisnimo baa tuulada uga bilaabantay markuu wax isla helayna sidii dhaqanku markaas ahaa hadana meelo badan kayahay qori gaday odagyii Goodir ahaana goor fiid ah madaxa ciida u dar.
Fadhi mayeele, Xamar u soo carar nolol kale oo adag ka bilow laakin ugu danbayn meel askar lagu qorayo isna iska xaadiri isagoo filaya nasiibdaradda haystaa inay halkan uga hari doonto. Berigaas askarnimadda baa ahayd shaqadda ugu wanaagsan ee qof qortaa.
Darajooyin uu ku helay wax uu haleeyay ama ummad uu gabagabeeyay lagu tax, lacag meel ay katimid uusan garnayna faqiirnimadii kaga bax. Laakin lacagtaas faraha badan ee soo gashay waxay uun u horseeday inuu kibir iyo tumasho ka qaado. Ku sandulaynta ummada baa ah yoolka ugu danbeeya ee lagu gaaro markaas wixii la rabo.
Negeyee waxaa uu saas ku jiraba wakhtiga iyo waayaha baa kadaba yimid maalin cad buuna magaalada ka cararay aakhirkiina duur cidla ah isagu bistoolad uu watay isku dilay oo dhafoorka isku dhuftay.
Waxaa rumowday Amran mar uu ugu tagay inay dhoof uu sugayay u saadaaliso iyaduna ku jawaabtay dhoofkaga maahee soo adiga dhintay oo gacan kuu dhow ku dishay. Runteed bay ahayd gacantu gacantiisa bay ahayd.
Intaas hadan uga baxo sheekada Negeeye iyo wuxuu mutaystay, buuggu wuxuu tusaalaynayaa nolasha qofka Soomaaliga ah sida ay tahay iyo xaaladaha ay soo martay sida dagaalkii 1977, dagaaladii sokeeya iyo waxa la kala mutay, boobka iyo dhaca meel walba ku habsaday.
Waxaa uu aad u iftiiminiyaa sida qof walba noloshu meel u dhigtay sida khaladka iyo saxda loo kala garan wayay ama hadii lakala garanayo aan loo rabin in lagarto.
Buuggu meelo badan wuxuu dhaliilayaa ama si maldahan u sheegayaa sida ay tahay in dhaqanku Soomaalidu u hagaago iyo waxa ka khaldan iyo qaabka danbayta leh ee wali waxyaalaha qaarkood loogu dhagan yahay.
Wuxuu durayaa dad uu ku sheegay in wadamadda Carabta qaarkood laga soo diray sida ba’an ee ay ula dirireen dhaqankii Soomaalida iyo sida dadkii iyaga waxbaray ugu noqdeen dhalaankii hooyaddood baray dhalmada.
Hadaan soo gunaanado, Dhiganahan waxuu ku qoran yahay luqad aad u heersaraysa, tabintu sheekadduna aad isku haysto marnana aadan ka jeesanayn.
Marka laga tago sheekadda, waxay waxbadan kaa baraysaa xaalka wadankeenan aan waxba loo reebin uu soo maray ama hadaba marayo.
Waxay kugu furaysaa su’aalo aan dhamaad lahayn ee ah maxaa si naga ah oo aan saan u noqonay meelaha qaarkood jawaabta isla meesha baad ka helaysaa.
Sideedaba sheeko faneedyadda waxaa loo curiyaa ama loo qoraa inay gudbiso fariin bulshada ay ka dhex dhalatay ay wadaagan, dhiganahaana si tayadeedu sarayso buu u soo gudbiyay fariintaas in Soomaali meesha laga jiro iyo mesha ay jirtaba ku wareersan tahay lagana yaabo in qiyaamuhu ku dhaco iyadoo wali jihada saxda ah aan helin.
Ugu danbayn, anigu qoraaga labo jeer ban bartay, marna Facebookga oo uu beriyahan aad ugu badan yahay oo aan qoraaladiisa duridda u badan ka akhriyo ama uun cid gooni hadba uu ku weerarayo.
Mar kale buuggan baan ku bartay, waa qooraayahan wax u dhigmaa jirin, caaqil la dayacay oo aan laga faa’iidaysan iyo nin waxbadan ka og ummaddiisa hadana waxbadan aan ku biirin.
Labada Hawd maanta haday wadada Via Rome iska soo horbaxaan iyagu inay is toogtaan bay halis ugu jiraan.
Qoraa:Burhan Abdullahi.