U bood dhigaalka

Aasaasihii Al-Jamaaca Al-Islaamiyada Dalka Masar oo Ku Geeriyooday Xabsi Ku Yaalla Dalka Mareykanka

Sheeko:Dalka

Aasaasihii kooxda “Al-Jamaaca Al-Islaamiya” ee dalka Masar ayaa ku geeriyooda xabsi ku yaalla dalka Mareykanka oo uu ku qaadanayay xukun xabsi daa’im.

Asmaa  oo ah gabar uu dhalay sheekh Cumar Cabdiraxmaan oo ah aasaasaha kooxda “Al-Jamaaca al-Islaamiyaha” ee dalka Masar, ayaa sheegtay in aabeheed uu ku geeriyooda xabsi ku yaalla dalka Mareykanka.

Asmaa ayaa waxay sidan ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay Sabtidii barteeda Facebook-ga, iyadoo tiri, “Sheekh Cumar Cabdiraxmaan Allaa oofsaday(wuu geeriyooda)”.

Dhanka kale, wakaaladda wararka Anatolia ee dalka Turkiga ayaa soo xigatay wiil uu dhalay sheekha oo Maxamed la yiraahdo oo isna xaqiijinaya geerida aabihii, waxa uu yiri, “Mareykanka waxa uu qoyska soo gaarsiiyay inuu geeriyooday aabbe “.

Ehellada sheekh ayaa rajeynaya in loosoo gacan geliyao maydka sheekh Cumar Cabdiraxmaan oo la filayo in lagu aaso dalka Masar .

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku geeriyooday  79 jir, halkaas oo uu ku qaadanayay ciqaab ah xabsi daa’im lagu xukumay sanadkii 1995-tii, isagoo ku eedaysnaa qarax lala beegsaday xarunta ganacsiga dunida ee New York sanadkii 1993, sheekho hore ayuu u beeniyay eedahaas oo waxba kama jiraan uu ku tilmamaay.

Goobjoog News