U bood dhigaalka

Abaalmarinno La Guddoonsiiyey Ardaydii Ku Guuleysatay Tartanka Qur’aan Akhriska Ee Idaacadda Goobjoog

Sheeko:Dalka

Munaasabad ballaaran oo maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta Akadeemiyadda Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Academy) ayaa abaal marinno lacageed waxaa lagu guddoonsiiyey Ardaydii ku guuleysatay tartanka Qur’aan Akhriska ee Idaacadda Goobjoog.

Tartankaan ayaa billowday 6-dii bishan barakeysan ee Ramadan, waxa uu soo gabagaboobay 25-kii isla bishan, iyadoo ay ka qeybgaleen 130 arday oo tartamayaal ah.

Tartankan waxaa taabo-gelinayey bankiga IBS, waxaana maanta la abaal mariyey Saddexda Arday ee Kaalmaha hore kala galay.

Ardayda ayaa ku tartamayey 15-ka jus ee dambe Qur’aanka Kariimka ah, waxaana jiray guddi kala saarayey tartamayaasha.

Ardayda iyo Kaalmaha ay kala galeen iyo abaal marinta

  • Yoonis C/raxmaan Cumar, 9-sano jir (400 doolar)
  • Anisa Sheekh Miir, 14-sano Jir (300 doolar)
  • Maxamed Cilmi Axmed 14-sano jir (200 doolar)

Macallin Yuusuf Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga tartankan oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa kula dardaarmay taabo-geliyaasha tartanka in aanay ka caajisin qabashada taramada sidan oo kale ah, sidoo kalena waalidiinta Soomaaliyeed ayuu kula dardaarmay in ay caruurtooda ku dadaalaan sidii ay ku bari lahaayeen Qur’aanka Kariimka ah.

Mowliid Aadan Abtidoon oo isna ka socday Bankiga IBS ayaa ku bogaadiyey Goobjoog Fm iyo Idaacadda Maandeeq sida ay bulshada ugu taagan yihiin in ay ku baraarujiyaan kheyrka, waxaana uu ka mahad celiyey sida habsamida leh ee Barnaamijkan loo qabtay.

Goobjoog Fm ayaa horay u qabatay tartanno sidaan oo kale ah, waxaana la abaal mariyey dhammaan ardaydii guuleysatay.

Goobjoog News