U bood dhigaalka

Abaanduule Caanood Oo Ka Warbixiyey Howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka warbixiyey howlgalka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

Abaanduulaha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duleedka deegaanka Basra ee Sh/dhexe uu iska horimaad kooban ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Wuxuu xaqiijiyey abaanduulaha in halkaasi ay ku dileen Saddex kamid ah Al-shabaab halka Afar kalena laga dhaawacay.

Waxa uu tilmaamay abaanduule Caanood in howlgalladan ka socda Labada Shabelle ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah Al-shabaab.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha kasoio gaaray dagaalladii ka dhacay duleedka deegaana Basra.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe ballaaran oo ay ku dooneyso in Al-shabaab uga saarto guud ahaan dalka.

Goobjoog News