U bood dhigaalka

Abaanduule Caanood Oo Sheegay In Al-shabaab Ay Ka Dileen 66 Dagaalyahan

Sheeko:Dalka

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Buulamareer ee Shabellaha Hoose ku dileen 66 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay Caanood, in sidoo kale ay Al-shabaab ka qabsadeen hub iyo sahay ciidan, ayna gubeen Labo gaari oo qaraxyo lasoo saaray.

Hubka ay qabsadeen ayuu ku sheegay iney isugu jiraan 12 AK-47, 20 PKM, iyo qoryo dhashiike ah.

Dhinaca kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in dhanka ciidankooda ay waxyeello kasoo gaartay Saddex askari oo haatan la daweynayo.

Al-shabaab ayaa Axaddii weerar waxay ku qaadeen xaro ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Buulomareer Shabellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News