U bood dhigaalka

Abaar Laga Soo Sheegayo Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in deegaanno badan  oo  kamid ah gobolkaasi ay ka jirto abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Degmada Raagaceelle ee gobolka Shabellaha dhexe iyo deegaanno badan oo hoostaga degmadaasi ayaa lasoo sheegayaa iney ka jirto abaar saameysay dadka iyo duunyada.

Waxaa deegaannadaasi ka jirta Biyo iyo Raashiin la’aan saameysay dadkii iyo duunyada, iyadoo ay aad u adagtahay in dadku helaan biyo ay cabaan.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan deegaannada Shabellaha Dhexe ee abaarta ka jirta ayaa u sheegay Goobjoog News iney u baahan yihiin gurmad degdeg ah, islamarkaana waxay ka dalbadeen dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samofalka ah in gurmad lala gaaro.

Abaartan ayaa ka jirta gobollo badan oo kamid ah dalka, sida kuwa Puntland, iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxayna dadku u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo.

Goobjoog News