U bood dhigaalka

Abaar Weli Ka Jirta Deegaanno Ka Mid Ah Puntland

Sheeko:Dalka

Guddiga abaaraha ee deegaannada maamulka Puntland ayaa ka dhawaajiyey in aysan waxbo ka tari karin deegaannadaasi roobabkii dhawaan halkaasi ka da’ay islamarkaana weli abaartu ay tahay mid jirto.

Deegaanno ka mid ah gobollada Sool, Sanaag, Nugaal iyo Mudug waxaa ka da’ay roob meello badan biyo dhigay, balse deegaannadaasi waxaa muddo badan ka jirtay abaar baahsan.

C/laahi Yarow oo ka mid ah guddiga maareynta Musiibooyinka Puntland ayaa u sheegay Goobjoog News in weli ay jirto baahidii ay dadku qabeen, wuxuuna ku baaqay in wax laga qabto abaarta baahsan ee deegaannadaasi ka jirta.

“Madaxweynaha Puntland waan u gudbinnay warbixinta, dalku abaartii uu qabay kama aanu bixin, roobka abaar ka baxa kamaba di’in deegaannada abaarta ka jirta, roob yar wuu iska da’ay laakiinse waxaaba jirta deegaanno aan roobba ka da’in, Garoonka Garoowe markaad ka baxdo illaa Caluula aaddo roob kama da’in, marka abaarta weli waa ay jirtaa dadkuna waxay u baahan yihiin gurmad, waxaan ugu baaqayaa madaxda Puntland in ay gurmad u sameeyaan dadka shacab ah” ayuu yiri C/laahi Yarow.

Gurmad wanaagsan ma aanu helin dadka ku dhaqan deegaannada abaartu ka jirto ee Puntland, inkastoo ay jirto shacab dadaalay oo wax iska uruuriyey balse weli baahida dadkan hayso ma aanay daboolmin.

Goobjoog News