U bood dhigaalka

Abaaro ay Xoolo Farabadani Ku La’deen oo Laga Soo Sheegayo Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Abaaro laga dayrinayo xaaladooda ayaa ka taagan deegaanno hoos yimaadda Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxayna sidoo kale barakicisay abaartaasi dadkii ku noolaa deegaannadaas oo intoodii tamarta lahayd ay u hayaameen meelo kale oo ka naq wanaagsan deegaanadoodii hore.

Abaartan oo taaganeyd lixdii bilood ee ugu dambeysay ayaa dadka deegaanku waxay sheegayaan in waqtigan ay soo gaartay meel daran iyaga oo qaylo dhaan kala duwan u diray cidkasta oo biyo iyo cunto la gaari karta dadka deegaanka iyo xoolahoodaba .

Masaajidada magaalada Ceerigaabo oo ay hoos tagaan deegaannada abaaruhu ka taagan yihiin  ayaa khudbadihii Jumcada waxa si faahfaahan culimada iyo dadka  u kuurgalay ugana warrameen xaaladda ba’an oo ay ku sugan yihiin deegaannadaasi  waxayna ku baaqeen in la gacan qabto dadka oo qaarkood u gudbay  masaafo dheer oo ka tirsan dhanka gobolka Sool.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag dhanka Somaliland Axmed Cabdi  falaay oo ka hadlay shalay masaajidka ugu weyn ee magaalada  Ceerigaabo ayaa sheegay in dhammaan dawlad  iyo shacabka looga baahan yahay iney dadkaasi taakuleeyaan waxaanu guddoomiyuhu  sheegay in tiro ka badan 300 oo xoolo kala duwan ahi ay u lee’deen abaart  darteed.

Dhinaca kale, deegaankan abaaruhu ka taagan yihiin waxa sidoo kale ka taagneyd colaad dadka deegaanka u dhaxaysa oo salka ku haysa aano qabiil taasi oo sababtay dhimashada 20 ruux oo dhinacyada dalaamay ka tirsan.

Inkasta oo xukuumadda Somaliland  ay dhawr mar ka hawlgashay daminta iyo soo afjaridda colaaddaasi hadana wali kumay  guulaysan iney si rasmi ah u soo afjaraan .

Goobjoog News