U bood dhigaalka

Abaaro Saameeyay Dadka Iyo Duunyada Oo Ka Jira Degaanno Ka Mid Ah Gobolka Sanaag

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay ka jiraan abaaro xooggan oo sababay inay saameeyaan nolosha dadka iyo duunyada.

Degaannada ugu daran ee gobolka Sanaag oo abaaruhu ay halakeeyeen waxaa kamid ah Boocame, Shilma-hurayaal iyo Raasas waxayna dadka ku dhaqan kuu sheegayaan in fuustada b iyaha ay ka marayso lacag dhan boqol iyo konton kun oo Shillinka Soomaaliga ah.

Dadkani oo u badan dad reer miyi ah ayaa awoodin iibsashada biyo ay cabaan xoolahana siistaan, waxaana arrintani sabab u ah kadib markii ay gureen ceelasha iyo waro dadka iyo duunyaduba ay biyaha ka cabi jirtay.

Degaanka Boodacadde oo kamid ah deegaannada ay ka jirto abaarta waxay ka sii dartay degaankaasi oo ah muddo ku siman seddex sano uusan wax roob ah helin.

Ceelal ku yaalla ma jiro waxaana jiri jiray labo barkadood oo iyaguna hadda aan biyo laga helin.

“Walaalow meeshan seddex meelood labo meel way dhinteen kuwa kalena beerka ayay dhulka ku hayaan, biyo ma heystaan, raashinna sidoo kale abaartu waa mid sanado joogta dadkaan waxay u baahan yihiin gurmad” ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Dhanka kale, hooyo ku sugan degaankaasi ayaa u sheegtay Goobjoog News in seddexda sano ee aan roobka la helin ay culeys ku noqotay dadka iyo duunyadaba.

Gobollada kale ee deriska la ah Sanaag sida Sool iyo Nugaal ayaa iyana degaanno kamid ah ay ka jiraan abaaraha xooggan ee saameynta ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyadaba.

Puntland ayaa ku dhawaaqday dhowaan inay abaaro daran ay ka jiraan gobollada waqooyi ee Soomaaliya loona baahan yahay gurmad degdeg ah oo ay helaan dadkaasi oo qaarkood todobo casho aan dab shidan biyo la’aanta awgeed.

Goobjoog News