U bood dhigaalka

Abaarta Galmudug Oo Saameysay Deegaanno Hor Leh

Sheeko:Dalka

Guddiga maamulka Galmudug u qaabilsan gurmad abaaraha ayaa ka deyriyey nolosha qoysaska ku nool deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Xasan Xuseen oo ka tirsan xubnaha guddiga abaaraha Galmudug ayaa sheegay in kormeer ay ku tageen deegaanno kamid ah gobolladaasi, ayna soo arkeen dhibaatooyin badan oo dadkaasi haysta.

Wuxuu sheegay iney soo xaqiijiyeen  in deegaannada Galmudug ay ka jirto musiibo aad u baahsan, islamarkaana loo baahan yahay in gurmad degdeg ah lala gaaro dadkaasi.

Waxa uu soo jeediyey xildhibaanka in markaan ay muhiim tahay heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba in markaan muhiimad gaar ah la siiyo Galmudug oo xaalado halis ah ay ka jiraan.

“Waxaan soo marnay deegaannada Galmudug, waxaan soo aragnay xaalad Bini’aadannimo, halis kale ayaa ka dhalan karta abaartan, dadka ma haystaan cunno iyo Biyo, waxaan soo jeedinayaa in ahmiyad gaar ah la siiyo deegaannada Galmudug” ayuu yiri Xildhibaanka.

Deegaannada Galmudug ayaa kamid ah deegaannada ugu daran ee ay saameysay abaarta dalka ka jirta.

Goobjoog News