U bood dhigaalka

Abaarta Gedo Oo Kasii Dareysa Iyo Gurmad La’aanta Oo Qeylo Dhaan Laga Soo Saarey

Sheeko:Dalka

Xaaladda Abaarta ka taagan Gobolka Gedo ayaa waxay maraysaa meeshii ugu adkeyd, waxaa dhammaaday daaqii xoolaha, waxaana guray warahii, Ceelashii iyo togaggii biyaha laga heli jirey, waxaana baaba’ay inta badan xoolihii reer guuraaga ay dhaqan jireen, sidoo kale beeralaydii roob falatada ahaa ayaan waxba beerin sanadkan, waxaana jira wal wal iyo cuno yaraan haddii xaaladda ay sidaan kusii socoto.

Maxamed Xuseen Alqaadi waa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo isaga oo la hadlay Goobjoog News, waxa uu ka deyriyey dhibaatada nolol xumo ee ka dhashay abaarta iyo gurmad la’aanta ka taagan Gobolka, isagoo sheegay xoolo dhaqatii Gobolka in Xoolahii ay dhaafeen , haddii aan la helinna gurmad caalami ah in ay dhici karto in dad badan ay u dhintaan harraad iyo Gaajo.

“Abaarta gobolka aad bay uga sii dartay, maalinba maalinta ka dambeysa xaaladda wey sii adkaaneysaa, Todobaadyada soo aadan waxaan ka baqeynaa in macluusha ay bilaabato abaarta xooggan awgeed” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Gedo.

Ugu Dambeyn Al-qaadi ayaa ugu baaqey dhammaan shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha Samofalka ah iyo cid walbo oo wax haysta in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa kamid ah gobollada dalka ee si daran abaarta u saameysay, waxaana hadda laga baqayaa in dadka ku nool gobolkaasi ay macluul lasoo deristo.

Goobjoog News