U bood dhigaalka

Abaarta Gedo Oo Kasoo Dartay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, Sahal Macalin Aadan ayaa sheegay in xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta degmadaasi ay tahay mid aad u liidato, oo dadka abaaraha haystaan noloshooda aad u adagtahay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u kuur gasho xaaladda nololeed ee dadkaasi, maadaama abaarta ka jirta Gedo ay dadkaasi aad u saameysay.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo in booqasho ku tago deegaannada gobolka Gedo si uu u arko xaaladda abaareed ee ka jirta gobolkaasi.

“Abaarta ka jirta Gedo aad bay u daran tahay, waxaana abaarta ay mareysaa meeshii ugu darneyd, waxaan ugu baaqeynaa in dadkaan gurmad lala soo gaaro, ma haystaan dadku biyo iyo baad toona, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Farmaajo waxaan ugu baaqeynaa inuu yimaado deegaannada gobolka Gedo oo indhahiisa ku arko xaaladda jirta” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceelwaaq.

Abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ayaa ka jirta deegaanno badan oo gobolka Gedo ah, waxayna dadku u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh.

Goobjoog News