U bood dhigaalka

Abaarta Ka Jirta Gobolka Bari Oo Saameysay Dadka Iyo Duunyada

Sheeko:Dalka

Waxaa kasii dareysa xaaladda nololeed ee dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanno ka tirsan gobolka Bari oo ay ka jirto abaar daran.

Deegaannadan waxaa ka jirta biyo la’aan baahsan oo ah waxa ugu daran ee dadku ka cabanayaan, iyadoo biyaha looga qaado deegaanno fog fog.

Deegaanka Higlo waxa uu qiyaas ahaan 30 Km u jiraa degmada Qardho, waxaana dadka ku nool deegaankaasi ay sheegeen in muddo aanu u di’in roob, islamarkaana biyo ay ka helaan degmooyinka Qardho iyo Dhahar.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Higlo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in biyaha loogu keeno Booyad, islamarkaana Halkii booyad laga qaato lacag dhan 300 illaa iyo 250 doolar.

“Waxa noogu daran waa harraad, biyo ma haysanno, xoolihii wey naga dhammaadeen, biyaha Qardho baa nalooga keenaa, dhib badanna waan ku qabnaa, haddii aanu biyo jirin nolosha waa eber, muddo ma helin biyo” sidaasi waxaa u sheegay Goobjoog News mid kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Higlo.

C/qaadir Saciid waa guddoomiyaha gobolka ay Puntland ugu yeertay Karkaar, waxa uu isna ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad lasoo gaaraan deegaannada abaartu ka jirto.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyo hay’adaha samofalka ah in gurmad degdeg ah ay lasoo gaaraan dadkan, waxaad aragtaan in xoolohii ay abaar darteed u la anayaan, waxa dadkan ugu daran waa biyo, biyuhu waa sheyga ugu horreeya ee nolosha uguna muhiimsan, marka cid walbo oo wax awoodda waa in ay ka qeybqaadataa gurmadka loo fidinayo shacabkan dhibaateysan” ayuu yiri C/qaadir Saciid.

Deegaanno badan oo kamid ah gobollada dalka waxaa kasii dartay xaaladda abaareed, iyadoo deegaannada qaar aysan dadku heli karin biyo ay cabaan.

Goobjoog News