U bood dhigaalka

Abaarta Ka Jirta Puntland Oo Kasii Dartay

Sheeko:Dalka

Waxaa kasii dartay abaarta ka jirta deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland, waxaana ay saameysay dadka iyo duunyada.

C/laahi Maxamed Barre, waa guddoomiyaha gobolka maamulka Puntland u bixiyey Karkaar, wuxuuna sheegay in xaaladda dadka ay meel halis ah mareyso, meelaha qaarna laga la’ yahay biyo ay dadku cabbaan.

“Roobkii gu’ga ayaa seegay, markii hore dhulka waa la xaalufiyey, roob fiican ma qaban oo daaq kama soo bixin, waxay taasi keentay in abaartii ay sii xoogeysatay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanka Isku Shuban ee gobolka Bari, wuxuu ka mid yahay meelaha qeylo dhaanta abaartu ay ka imaneyso, sida uu sharraxayo guddoomiyaha deegaankaasi Axmed Jaamac Aadan.

“Dadkii oo dhan isku mid ah bay noqdeen, oonka saa’id waaye, biyo la’aanta ka jirta degmada waa meel dhexe, laakiinse meelaha ugu daran waa deegaannada na hoos yimaada”

Hay’adda musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa dhankeeda iyana ka daristey abaarta ka jirta Puntland, waxaana ay sheegeen in abaartaan ay muddo badan jirtay, xoolihii miyigana ay kala bar dhinteen.

C/laahi C/raxmaan Axmed , agaasimaha HADMA ayaa sheegay in abaartan ay wada saameysay guud ahaan deegaannada Puntland.

“Dalka abaartu wuxuu ku jiray muddo dheer, ilaa haddana kama aanu bixin, xoolihii in ka badan kala bar baa dhintay, dad ugu yaraan ilaa 50 kun oo qoys ayaa xoolo waayay, marka la eego sida abaartu kala tahay, dhul waxa weeye meelaha qaar abaartu kamaba bixin, meel gu’ baa ka da’ay, meelna deyr” ayuu yiri agaasimaha.

Meelaha ay ka jiraan abaaruhu dadku ma heli karaan biyo nadiif ah, waxaana jira cudurro ka dillaacay deegaannadan qaarkood.

Goobjoog News