U bood dhigaalka

Abaarta Ku Dhufatay Deegaannada Galmudug Oo Sababtay Xaalad Bini’aadannimo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in abaarta ku dhufatay deegaannada Galmudug ay sababtay xaalad Bini’aadannimo oo aad u daran, islamarkaana u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, ahna guddoomiye ku xigeenka guddiga gurmadka abaaraha ee heer gobol Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in abaarta ay sii ballaaratay.

Wasiirka ayaa sheegay iney jiraan dad u dhintay abaaraha, sidoo kalena loo baqayo dad kale iney xaalad halis ah wajahaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Abaarta aad bay deegaannada Galmudug u saameysay, waxaa jiray dad dhintay, waxaana sidoo kale hadda jirta xaalad bini’aadannimo, dowladda federaalka waan kala hadalnay sidii gurmad loola soo gaari lahaa dadkaan” ayuu yiri wasiirka.

Abaarta dalka ka jirta ayaa aad u sameysay qoysas badan oo  Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku dhaqan gobollada dalka, waxayna dadkaan u baahan yihiin gurmad rasmi ah.

Goobjoog News