U bood dhigaalka

Abiy Axmed Iyo Isias Afawarki Oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda ay soo gaari-doonaan magaalada Muqdisho.

ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in berri subax ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki.

Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar .

Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal:

1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.

2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018

Goobjoog News