U bood dhigaalka

Abiy Axmed Iyo Isias Afawarki Oo Maanta Laga Filayo Muqdisho

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa la filayaa in maanta ay soo gaaran magaalada Muqdisho xilli madaxweyne Farmaajo mooshin looga keenay heshiisyada uu la galay Abiy Axmed iyo  Isias Afawarki.

ilo xog-ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijyey in ay Muqdisho ku soo wajahan yihiin ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki.

Kulankan ayaa daba-socdo midkii Gondar ee gobolka Baxar-daar .

Sooyaalka Heshiisyada 3da Dal:

1) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Asmara 5 – 6 September 2018 ee lagu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay in lagu heshiiyey 4 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.

2) Heshiiskii Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018

Waxaa la is-weydiinayaa maxaa kulanka ku soo aadiyey xilligan? ma dhici kartaa iney yimaadaan? ma dhambaal loo dirayaa mooshinka mise qorshaha ayaa sidan ahaa? Falanqeyn arrintan la xiriirta kala soco, Goobjoog

Goobjoog News