U bood dhigaalka

Abiy Axmed Oo Casuummey Xulafadii Kale, Geelle Iyo Al-bashiir

Sheeko:Dalka

Wafdi ay horkacayaan madaxweyneyaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa gaaray magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya, waxaa halkaas ku soo dhoweeyey ra’isul wasaare Abiy Axmed iyo ku-xigeenkiisa Demeke Mekonnen.

Qoraal ay arrintaas ka qortay warbaahinta Itoobiya waxaa lagu sheegay in hoggaamiyeyaasha ay goobjoog ka noqon-doonaan furitaan mashaariic horumarineed, waxaa kale oo lagu wadaa inay furaan qeybta caafimaadka ee (Jimma University medical center).

Madaxda Saddexda dal ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee saddexda dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee dhawaan ka bilaawday wadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Geelle iyo Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa waxa ay ka qayb geli doonaan bandhig dhaqameedka sanadlaha ee qowmiyadaha Itoobiya ee ka dhacaya Magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Eritrea iyo Soomaaliya oo ka mid ah dalalka iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan la leh Itoobiya ayaa meesha ka maqan, waxaa xusid mudan in  Eritrea  uu yahay  dalka ay ka sheeganayaan Suudaan iyo Djibouti oo ah labada dal ee maanta la casuumay.

Khartuum iyo Asmara xiriirkooda ma wanaagsaneyn tan iyo intii ay xuriyadda qaadatay Eritrea, oo dal weliba mid kale waxaa uu ku eedeyn jiray in mucaaradka gabbaad u yahay, Djiboutina waxaa ay meel walba ka sheegtay in Eritrea ka heystato dhul ay qeyb ka yihiin buur iyo jaziirad.

Itoobiya waxaa muuqato iney leedahay labo xulufo, iyada oo fiirsaneysa danaheeda ayey mid weliba ula dhaqantaa si gaar ah.

Goobjoog News