U bood dhigaalka

Abiy Axmed, Oromo La filayo Inuu Noqdo Ra’isul Wasaare

Sheeko:Dalka

Abiy Axmed, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa talaadadii loo doortay in uu noqdo hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ee (EPRDF), waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in ururka ogolaaday in uu noqdo ra’isul wasaare.

Cod-bixin ka dhacday Axmed waxaa uu helay 108 guud ahaa codad gaaraya 180, cod-bixinta waxa ay sameeyay golaha EPRDF. Tiradan waa 45 xubin oo matala 4ta xisbi ee ku bahoobay isbaheysiga EPRDF. EPRDF waa xisbiga ugu awoodda badan Itoobiya, waxaa uu heystaa 547 kursi oo baarlamaanka ah.

Abiy Axmed, waxaa uu noqday madaxa EPRDF, waxaa uuna badalayaa Hailemariam Desalegn oo jagadaasi iska casilay.

Abiy Axmed ayaa ku guuleystay in loo doorto guddoomiyaha Xisbiga Talada haya iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya

waa siyaasi muslin ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee Wadankaasi Itoobiya.

Isbedelka ka dhacay dalka Itoobiya iyo xisbiga talada haya ayaa imaanaya kadib bilo dibadbaxyo xoog badan oo ay ka jiray gobolada Oromada iyo Amxaaradda, waxaana dalkaasi saran 6 bil oo bandhow ah.

Goobjoog News