U bood dhigaalka

Abiy Oo Axadda Booqanaya Asmara

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa booqanaya beri oo Axad ah Eritrea sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Eritrea.

Dowladda Eritrea ayaa isku diyaarisay soo dhoweynta waxaana waddooyinka Asmara lagu xardhay calamada Eritrea iyo Itoobiya si loo soo dhoweeyo Abiy Axmed.

Axadda beri ah ayaa la filayaa in uu gaaro Abiy iyo wafdi uu hogaaminayo Asmara isaga oo ka amba baxaya magaalada Adis Ababa.

Booqashadaan ayaa ah tii ugu horreysay oo mas’uul Itoobiyaan ah uu ku tago Eritrea muddo ka badan 17 sano oo ay is go’doomiyeen labada dal, intii uu socday dagaal Soohdineed oo ka dhex dilaacay labadooda sanadkii 1998, waxaa uuna socday labo sano intii uu socday dagaalkaas waxaa lagu dilay kumanaan qof oo labada dhinac ah.

Waxaa lagama maarmaan ah in uu la kulmo Abiy Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxayna yeelanayaan labada hoggaamiye fadhi labo geesood ah oo lagu gorfeynayo natiijooyinkii ka soo baxay booqashada wafdigii Eritrea Adis Ababa ee todobaadkii hore.

Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay ka wadahadli doonaan arrimo kale oo ay wadaagaan gaar ahaan geeska Afrika iyo Wabiga Niil, Abiy ayaa booqan doona magaalada Massawa taasi oo ay ku taallo mid ka mid dekadaha Eritrea ee ku teedsan badda cas una dhow marinka Bab-el-Mandeb.

Goobjoog News