U bood dhigaalka

Abiy Oo Magacaabay 20 Wasiir oo 10 Haween Yihiin, Gashaandhigga ayaa ka mid ah

Sheeko:Dalka

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa waxaa uu magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 20, 10 ka mid ah waa haween.

Haweenka uu  Abiye Axmed u magacaabay golahiisa wasiirada waxaa ka mid ah Ca’isha Mohamed Muse oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia, waxaa kale oo haweenka la siiyey wasaaradaha  dhaqaalaha, nabadda, Ganacsiga iyo Warshadaha  iyo wasaarado kale.

Golaha shacabka dalkaasi ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub uu  R/wasaaruhu magacaabay.

Halkan hoose ka aqriso golaha wasiirada cusub ee dalka Ethiopia.

  • Wasiirka Nabadda — Mrs Mulietat Kamil
  • Wasiirka Gaashaandhigga —Aaliha Muhammad
  • Wasiirka Maaliyadda — Ahmed Shide
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda — Dr. Geeljeex
  • Wasiirka Beeraha Mudane Cumar Xuseen
  • Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha – Mrs. Fetel Walte
  • Wasiirka Dhaqaalaha —– Mrs. Dawanne Herbie
  • Wasaaradda Waxbarashada iyo Tiknoolajiyadda — Dr. Getahun Mekuria
  • Wasiirka Gaadiidka —— Mrs. Dagmominthew Patrick
  • Wasiirka Horumarinta & dhismaha magaalooyinka —– Mr. Janet Braye
  • Biyaha, waraabka iyo warshadaha tamarta —– Sileshi Bekele
  • Wasiirka Waxbarashada —— Dr. Tilaye Gete
  • Wasiirka Macdanta iyo Tamarta —— Dr. Samuel Hurco
  • Sarkaalka Golaha Guud —– Berhanu Tsegaye
  • Wasiirka Caafimaadka—— Dr. Amir Aman
  • Sayniska iyo Waxbarashada Sare: Mr. Hirut Woldemamar
  • Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Dhalinyarada, Mrs. Woizam Taye Asfaw
  • Wasiirka Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada Mr. Mulugeta Tesfaye
  • Wasiirka Dhaqanka Mudane—- Dr. Hirut Kassa
  • Guddoomiyaha Guddiga Qorsheynta iyo Horumarinta Fitsem Assefa

Goobjoog News