U bood dhigaalka

Abshir Bukhaari Oo Ka Hadlay Qaabka Loo Maray Doorashada Agaasime Waaxeedyada Iyo Xoghayaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Abshir Maxamed Axmed , guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee aqalka sare ayaa sheegay in maanta la bilaabay imtixaannada shaqaaleysiinta golaha aqalka sare.

Bukhaari oo saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu arrinkaasi ka yiri “shaqaalihii loogu talagalay aqalka sare waxaa ii dheh lagu sameeyay qeybteedii 1aad oo ah 6 agaasime Waaxeed iyo Xoghayaha guud ee aqalka sare maamulkiisa qaban lahaa, xayeysiinta la sameeyay waxaa soo codsaday  1290, arrintaas kadib, aqalka sare waxaa uu u xil saaray UNDP sameynta short listiga”

Abshir Bukhaari waxaa uu intaasi ku daray in hey’addaasi UNDP ay soo saartay 61 qof si imtixaan u galaan, si dadkaasi loo qaado imtixaan ay sameysay, maamushayna  isla hey’addaasi.

Mr. Bukhaari waxaa kale uu ka hadlay in maanta ay yimaadeen 42 qof , isla markaana ay imtixaan galeen,  kuwaas oo sixidda kadib 24 laga xulan doono, lana sii marin doono wareysi si looga qaato 7 qof maamulka waaxyaha kala duwan ee aqalka sare

Imtixaankan laga qaado dadka loo shaqaaleysiinayo aqalka sare waxaa Wareysiga iyo xulashada Goobjoog ka ahaa, guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka

Goobjoog News