U bood dhigaalka

Abshir Bukhaari Oo Sheegaya In Qaab Siyaasadeed Lagu Xallin Doono Xiisadda Golaha Shacabka Iyo Garsoorka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo maanta wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin muranka dastuuriga ah ee  u dhaxeysa  hey’adaha golaha shacabka iyo garsoonka dalka iyo dagaallada ka socda qeybo ka mid ah Galmudug.

Abshir Bukhaari oo ka hadlayey waxa aqalka sare ka yeelayaan muranka dastuuriga ah ee u dhaxeeya golaha shacabka iyo garsoorka dalka waxaa uu ku jawaabay “Aqalka sare howshaas waa ku howlan yahay, hey’adihii  dhammaan ay arrintaas khuseysay kulamo ayuu la wadaa, waxaan ku rajo weynahay in laga gaari doono xal sababa xasilooni siyaasadeed dalka in uu ku jiro”

Mar wax laga weydiiyay haddii ay is-qabtaan hey’adaha dowladda yey tahay in ay kala dhex gasho waxaa hadalladiisa ka mid ahaa “Dabcan wey kala madaxbanaan yihiin oo hey’adaha dowladda waa 3 hey’adood, hey’adda garsoorka, hey’adda sharci dejinta iyo midda fulinta, laakin waxa meeshan ku jiro waxaa waaye xal siyaasadeed howl lagu soo qabtay oo u baahan xal siyaasadeed, marka aqalka sare waxaa uu ku howlan yahay sidii looga gaari lahaa xasilooni siyaasadeed”

Dhinaca kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare waxaa baaq colaad joojin ah u diray maleeshiyaadka ku dagaalamaya Galmudug “Waxaan dirayaa Fariin guud umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan taas oo ah in ay colaadda joojiyaan, dagaalladana iska daayaan, qori kasta iyo xabad kasta oo dhacda waxaa ay dileysaa qof Soomaali ah, Xabad kasta oo qori ku jirta waxaa ay u dhigantaa naf in ay goyneyso, umadda Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in aan ka waantowno colaadaha dhexdeenna ah iyo qoryaha aan isu sidanno”

Abshir Bukhaari waxaa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in dabley iyo maleeshiyaad hubeysan dilayaan dad ehel ahaa ee ay u gurman lahaayeen “Waxaan si gaar ah ugu xumahay, maanta oo ay Soomaaliya abaar baahsan ka jirto gaar ahaa degaannada Gedo iyo Galmudug, dhammaantiis in ay ka jiraan dagaallo sokeeye, oo ay isku dilayaan dad dhibaateysan oo abaareysan, hubka iyo rasaasta ay isku dilayaan waxaa ay aheyd in ay biyo iyo raashin ku gataan, oo naftooda ku bad-baadiyaan, marka cadowga gaajada maanta waxaa ka daran xabadda, waxaan ugu baqayaa in dadka dagaallada halkaasi ku haya, gaar ahaan dableyda iyo maleeshiyaadka hubeysan in ay dagaalka joojiyaan, si shardi la’aan, oo degdeg u joojiyaan, maxaa yeelay, dadka ay dilayaan waa caruurtoodii, waa hooyooyinkood, waa walaalahood, waa dadkoodii, waa dadkii ay iyaga u gurman lahaayeen, dadkii ay u gurman lahaayeen in ay dilaan, waa nasiib darro”.

Goobjoog News