U bood dhigaalka

Abshir Bukhaari: Waxaan Rabnaa In La Helo Banki Dhiig ah oo Loogu Gurmanayo Dadka Dhaawaca qaba

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee dowladda federaalka ah  aya xalay kulan baroor-diiq ah ku yeeshay Muqdisho, iyagoo si isku mid ah isugu raacay in gurmad loo fidiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo meesha ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Xanuunkii iigu darnaa waxa uu ahaa, nin saaxiibkey ah oo dhintay, ayaa hadana la ii xaqiijiyay in Maanta ay dhimatay Xaaskiisa, xaqiiqdii xanuun waaye” .

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka ayaa sheegay in saacadan ay weli jiraan dad kale oo ku xaniban bur-burka hoostiisa, waxaana uu soo jeediyay in cagafta lagu faagayo bur-burka lagu badalo inay dadku ay gacantooda ku qotaan, si loo badbaadiyo dadka la rumeysanyahay inay ku xanibanyihiin bur-burka hoostooda.

Mr. Bukhaari, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ayaa ku baaqay in loo gurmado dhaawacyada yaala isbitaallada magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay jiraan qoysas aan awoodin inay raashin u geeyaan dadka dhaawac ah maadaama ay qaarkood u badanyihiin qoysas sabool ah, kuwaasi oo uu sheegay inay u baahanyihiin kaalmada bulshada.

“Waxaan rabnaa in la helo Banki dhiig ah oo loogu gurmanayo dadka dhaawaca qaba” ayuu yiri Senator Abshir Bukhaari.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa ugu dambeyntii ka hadlay in Isbitaallada Muqdisho uu booqday oo uu xanuunka la qeybsaday bulshada, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay hal meel uga soo wada jeestaan sidii loo caawin lahaa walaalood ku jira goobaha caafimaadka.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay kulanka baroor diiqa ah ayaa tacsi u diray dhamaan Ummadda Soomaaliyeed xasuuqii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe km5 ee magaalada Muqdisho.

Mudane Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay weerarkii qaraxa ay u baahanyihiin gurmad dhinac kasta leh, isagoo ku baaqay in si wada jir ah looga qeyb qaato u gurmashada dadka dhaawac ah.

“Aarsiga ugu weyn waxa ay tahay inaan daryeel u fidino carruurta ay Waalidoontooda xasuuqeen argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo hadalkiisa ku daray “Waxaa noo qorsheysan inaan hal milyan oo dollar aan ka goyno miisaaniyadda dowladda oo la siiyo ehelada dadkii ku dhintay weerarka argagixisadu ay ka geysteen Muqdisho 14-kii bishan”.

Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Xildhibaannadu ay diyaar u yihiin in hay’adaha Ammaanka ay gacan ku siiyaan meel marinta sharciyada ay rabaan inay ku xaqiijiyaan ammaanka.

“Waxaan rabnaa in la caddeeyo tirada rasmi ah ee wax ku noqotay xaquuqii 14-ki bishan, waxaana Xildhibaannada Haweenka ah ee Baarlamaanka ku jira ka dalbanayaa inay tegaan goobkasta oo la geeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa” ayuu yiri Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Goobjoog News