U bood dhigaalka

Abukaate Bashiir Nuur “Sharci Ma Ahan In Qof Soomaaliyeed Loo Dhiibo Dalka Kale”

Sheeko:Dalka

Abuukaate Soomaaliyeed ayaa sheegay in qaynuunka muwaadinimo ay ka reeban tahay in qof Soomaali ah loo dhiibo dal kale.

Sharci yaqaan Bashiir Nuur Xirsi oo wareysi siiyay Goobjoog ayaa sheegay umadda Soomaaliyeed ay musiibo uga dhigan tahay in muwaadin u dagaallamaya Soomaali Galbeed loo gacan geliyo dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay in aynaan horay u dhicin oo taariikhduna aysan ku qorneyn madax dalka soo martay oo qof Soomaaliyeed u dhiiba Itoobiya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Bashiir ayaa sheegay in tani ay sababi karto in meesha ay ka baxdo qaranimadii Soomaaliyeed loona baahan yahay in shacabka ay ka dhiidhiyaan.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News