U bood dhigaalka

Abukaate Xirsi “Dowladda Haka Dhabeyso Ballanqaadkeedii Dib u Habeynta Garsoorka”

Sheeko:Dalka

Abukaaate Maxamuud Maxamed Xirsi oo ka tirsan ururka qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya looga baahanyahay iney ay ka dhabeyso balanqaadkeedii ahaa in Saddex bil gudahood wax looga qaban doono garsoorka iyo caddaaladda dalka.

Abukaate Xirsi ayaa sheegay in waddanka meesha uu ka liito uu yahay dhanka caddaaladda haddii la hagaajiyana ay wax badan is badali doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Jaanis fiican ayey madaxweynaha iyo xukuumaddiisa heystaan oo ay ku dhaqangelin karaan balanqaadkoodii, waana baahi taagan oo dadka Soomaaliyeed uu maanta u baahanyahay in caddaaladdii loo hagaajiyo meesha ay joogto kor loogu qaado horayna ay u socoto, waana waxa nagaga xiran inaan noolaanno “

Abuu kaate Xirsi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in lagama maarmaan ay tahay in la helo cadaalad madaxbannaan oo guddiga caddaaladda ay ka madaxbannaadaan barlamaanka.

“In la helo cadaalad madaxbanaan waa shardi, haddaan caddaaladdii iyo guddigii garsoorka uusan ka madaxbanaaneyn baarlamaanka iyo xukuumadda go’aanka la gaarayo ma naqonayo mid caddaalad ah”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamjo ayaa sheegay in dowladdiisa ay wax badan ka qaban doonto dhanka garsoorka oo muddo badan ay ka jirtay habacsanaan.

Goobjoog News