U bood dhigaalka

Abuukaate Sharaxaya Sida Ay Noqon Karto Dacwada Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur

Sheeko:Dalka

Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qofka eedeysanaha ah laga doonayo mar walba in uu hortago maxkamadda u yeertay, isla markaana uu halkaasi ka sheego wax uu qabo.

Abuukaate Dhoore waxaa uu qabaa in haddii qofka eedeysanaha ah aanu ku qanacsaneyn maxkamadda ama uu ka shaki-qabo, kuna tuhmayo mid siyaasadeysan ay la gudboon tahay in sidaasi maxkamadda ka hor-cadeeyo taasi ay keeni karto in garsooraha is-casilo, lana badalo.

Dhinaca kale, Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore waxaa uu sheegay in dacwo-oogaha oo markan Xeer ilaaliyaha ah la doonayo in uu maxkamadda hor-keeno cadeymo muujinaya waxa uu sheego, haddii kale aan laga aqbali-doonin iska hadal.

“Eedeysanaha waa in uu tagaa maxkamadda, ka hor sheegaa kuma qanacsani garsooraha ama sida wax u socdaan, kolkaas garsooraha waa is casilayaa” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdirisaaq Cali Dhoore.

Abuukaate Dhoore waxaa uu Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur kula taliyay in uu sharciga iyo garsoorka aamino, una hoggaansamo amarka maxkamadda, xaqiisana halkaasi ku soo qaato.

Arrintan ayaa waxaa ay imaneysaa saacado kadib markii uu siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur soo saaray qoraal uu ku sheegay in dacwada loo heysto ay tahay mid siyaasadeysan, oo aan waafaqsaneen sharciga, isla markaana Xeer ilaaliyaha oo gacan ka helaya madaxda sare  oo adeegsanaya awoodda xafiiska faragelin qaawan ku sameeyay garsoorka is hortaagna ku sameeyay go’aanka maxkamadda gobolka Banaadir.

Qodobada uu siyaasiga soo qaatay waxaa ka mid ahaa in Xeer ilaaliyaha uu xiray iyada oo aaney jirin hab-raaca xeerka ciqaabka, isla markaana uu jabiyay qodobo badan oo xeerkaasi ah sida 34, 39, 38, 32, iyo qodobada 39 iyo 66.

Qodobadaasi uu ku eedeynayo ayuu sheegay in ay qasab tahay amar maxkamadeed, Xeer ilaaliyahana uu xiray amar maxkamad la’aan. Iyo in xarigaasi sharci-darada ah uu ka dhashay dil 5 ilaaliadiisa ka tirsan.

Ugu dambeyntii, waxaa uu siyaasiga sheegay in xeer-ilaaliyaha aanu keenin asbaabta ku xusan qodobada 35 ee XHC ee dhigaya in garsoorha la horgeeyo cadeymaha fal-damibiyeedka ee aan gacmaha kula jiray ee cadeynaya inuu ku soo duulay madaxbannaaida iyo qarannimada Soomaaliya sida ku cad qodobka 39 iyo 45 ee XHC.

Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa maanta la sugayaa maxkamadda racfaanka, lamana oga sida ay wax noqon-doonaan.

Wararkan, Kala soco Goobjoog News

Goobjoog News