U bood dhigaalka

Abuukaate: Waa In Canshuurta Laga Wada Qaado si Simman Dalka oo Dhan

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan golaha shacabka ayaa ka hadley is mariwaaga u dhaxeeya ganacsatada Gobolka Banaadir iyo wasaaradda maaliyadda, kaasoo ku saabsan canshuurta dheeriga ah ee lagu soo rogay ganacsatada.

Xildhibaan Abuukaate ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda aanay xaq u laheyn inay canshuur dheeri ah ka qaado gobolka Banaadir oo kale, isagoo xusay in looga baahan yahay in magaalooyinka kale ee dalka ka qaado.

“Maalmahan waxaa socotay in ganacsatada lagu soo rogay canshuurta la yiraahdo Iibka oo ka baxsan canshuurta caadiga ah ee kastamka dekeda, sida aan wada ognahay wasaaradda waxaa ay wasaarad u tahay dalka oo dhan,waxeyna ku qurux badan tahay in canshuurta laga wada qaado si siman dalka oo dhan”ayuu yiri Xildhibaan Abuukaate.

Sidoo kale Xildhibaanka Maxamud ayaa soo jeediyay in canshuurta Iibka ee lagu soo rogay ganacsatada loo wareejiyo Maamulka Gobolka Banaadir, si adeegyada bulshada ugu fuliyo, isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Waxaaan soo jeedina Canshuurta Iibka ee lagu soo rogay Ganacsatada in loo wareejiyo Gobalka Banaaadir, si adeegyada lagama maarmaanka ah uu bulshada ugu qabto, maadaama Gobolka Banaadir ay wali matalaadiisa maqan tahay”

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo la xiray Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana Ganacsatada ka cabanayaan canshuurta Iibka ee lagu soo rogay alaabta laga soo dejiyo Dekeda oo ay sheegeen in laga qaado ka hor inta aanay goobaha ganacsiga geyn, taasna ay khasaare ku tahay.

Goobjoog News