U bood dhigaalka

Abuukaate Xalane: Sharciga Ma Ogola in Arrinta Badda Wada Hadal Laga Galo

Sheeko:Amniga

Sharciyaqaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxda dalka aanu sharciga u ogoleyn  in gorgortan laga galo muranka badda ee dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ka dhexeeyo waxaana uu sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya in madaxda talada haya ay badda ka gali karaan gorgortan.

Abuukaate Cali Xalane oo wareysi gaar ah siiyay Gooobjoog News ayaa xusay Madaxweyne ama shaqsi kale oo dalka xil ka haya in uusan jirin sharci u ogolaanaya arrintaanna ay taallo Maxkamad isaga oo arrintaasi ka hadlaayana waxaa uu yiri” laba Madaxweyne waa is arki karaan arrimaha labada wadan waa ay kawada hadi karaan, lakiin mas’aladdan ayada ah lagama wada hadli karo hadalna lama galin karo, madaxda ka sokow sharciga ayaaba diidan mas’alada uu ku diidaayo marka horana waxaa waaye wada hadalka in labada wadan ay sheegtaan waaye cidda dhexdhexaadinayso ama dhinac ka mid ah uu sheegto in arrintaan ay wada hadal kawada gali karaan, haddii aysan jirin muddo lagama dhigi karo kulanka ugu horeeyo ay is arkaayaan in looga hadlo”

Sidoo kale Abuukaate Cali Xalane oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in Maxkamddu aydu tahay cidda ogolaan karto in wada hadal lagaliyo maadaama kiiskii uu tagay Maxkamdda ama dhinacyada dacwadda isku haayo isaga dantiisa, waxaana uu yiri” Wax macquul ah ma aha arrintaan waxaa ay taallaa Maxkamaddaa soo jeedin karto in wada hadal la galiyo ama dhinacyada dacwadda is ku hayo oo dhinac kamid ah uu daneynaayo isaga dantiisa ayuu wada haal ku galin karaa, marka haddii ay tahay mid ku aadan wax Maxkamaddu ka war qabto ama dhinacyadii is haayay ayadoo Maxkaddu socoto inay wada hadal galin karaan waa suuragal”

Dhanka kale Sharciyaqaan Xalane ayaa sheegay in haddii madaxda Soomaalida ay aqbalaan in wada hadal la galiyo arrinta badda ay ku adkaandoonto shacabka iyo qof kasto oo muwaadin ah waxaana uu yiri ” Madaxda ka sokoow shacabka Soomaaliyeeed ayeey ku adkaaneysaa in ay qaataan iyo qof waliba oo muwaadin ah  iyo sidoo kale dadkii mas’uuliyiinta ahaa oo hoowshii Qaranka loo idmay oo aheyd amaanada in ay shacabka u xafidaan ay ku aheyd marka sharci ahaan aa wax qariib ah”

Ugu danbeyn Sharci yaqaan Cali Xalane ayaa sheegay dadaalka Kenya ay ugu jirto in wada hadal la galiyo kiiska muranka badda mid ka badan in Soomaalidu galinayaan sidii Maxkamad loogu dhamen lahaa waxaana uu yiri” Dadaalka ay Kenya ay galineyso in wada hadallo laga galo arrintaan oo ayada ruuxeeda ay maslaxdeeda tahay, dadaal intaas la eg ayaa jiro oo Soomaalidu ay galinayso inaan laga wada hadli karin mas’aladaan ayada ah go’aan Maxkamadeedna lagu xaliyo”

Goobjoog News