U bood dhigaalka

Abwaan Bedel Jaamac Xirsi oo Caawa Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:War

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Kaxda ee gobolka Banaadir waxaa ay  ku dilay Abwaan Bedel Jaamac Xirsi oo siweyn loogo yaqaanay caasimadda , waxaana uu ka mid ahaa odayaasha dhaqanka degmada, marxuumka ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday salaadii Maribka.

Waxaan la ogeyn sababta ka dambaysay dilka marxuumka, kooxihii dilka geystay oo bastooladley ahaa ayaa isaga baxasaday goobta dilka uu ka dhacay, waxaana badanaa Abwaanka lagu arki jiray  social media  isaga oo ka hadla arrimaha siyaadda, ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta.

Ciimada  ammanka  iyo Maamulka degmada kaxda ayaan wali ka hadlin dilka degmadaas loogu geystay Caawa Abwaan Badal Jaamac Xersi, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho, kuwaas oo inta badan ay lagu beegsado shaqsiyaad.

Goobjoog News