U bood dhigaalka

Abwaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel Oo Loo Dhaariyay Xildhibaannimo

Sheeko:Baarlamaanka

Abwaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ahaa gudoomiyaha kooxda Qeylo-dhaan ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Kulan baarlamaanka uu ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa xildhibaankaan cusub lagu dhaariyay.

Ciyaar Jecel ayaa lagu bedalay booskii Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo shaqada si iskiis ah uga tagay.

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa horay uga mid ahaa fanaaniin hees kasoo qaaday xildhibaannada baarlamaanka, taasi oo ay ugu magac dareen “Xildhibaan-nimooy Xaal Qaado”

Heestaasi ayeey kaga hadlayeen dhaliillo ay u jeedinayeen baarlamaanka Federaalka, balse maadaama uu abwaanka ka mid noqday baarlamaanka ayaa la arki doonaa waxa uu soo kordhiyo iyo waxa uu ka beddali karo eedii uu horay usoo jeediyeen kooxdiisii.

Fanaaniinta xildhibaannada noqday waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa iyo Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame.

Goobjoog News